Kingsley Coman oo lugta Wareegatay kadib dhaawac aad u xun oo soo gaaray.

Kingsley Coman waxaa soo wajahay dhaawac aad u xun oo jilibka ah intii lagu jiray kulankii Bayern Munich v Spurs

Kingsley Coman ayaa lagu wadaa inuu muddo dheer garoomada ka maqnaado ka dib markii caawa dhaawac xun oo jilibka ah uu soo gaaray.

Coman ayaa goolka furitaanka ka dhaliyay Kooxda Tottenham daqiiqadii 14-aad balse toban daqiiqo Kadib ayaa dhaawac garoonka looga saaray.

Kani waa muuqaal muujinayay habka uu u dhaawacmay caawa Kingsley Coman.

Sanadkii 2018-kii Coman ayaa garoomada seegay 34 kulan dhaawac dartiis. Wuxuuna wareeysi xiiso badan bixiyay bishii Diseembar ee la soo dhaafay isagoo sheegay inuu ciyaaraha ka fariisan doono hadii arimuhu sii socdaan oo ula jeedo Haddii uu Dhaawiciisu sii socdo.

“Waxay ahayd sanad aad u adag,” ayuu Coman u sheegay TF1,. mar uu wareysi xiiso badan bixinayay.

Markii aan dhaawacnaa, waxay ii aheyd dhamaadka adduunka.

“Waxaan rajeynayaa inaysan igu dhicin markale wixii aan ka soo kabtay ama wixii aan soo maray.

“Waa igu filan tahay. Ma aqbali doono qaliin seddexaad – waxay la macno tahay in cagteeydu u Sameysneeyn heerkaan, waxaan ku noolaan Doonaa nolol aan la aqoon ayuu yiri Coman Mar Uu wareysi bixinayay bishii december, kadib markii Uu Ka soo kabsaday dhaawac.

Caawa markale ayuu dhaawacmay, waxaana Macquul ah inuu maro qaliin afaraad “Waxaana u rajeyneynaa in dhaawacu uusan aheyn mid culus islamarkaana uu ku soo laabto garoomada goor dhaw.

One thought on “Kingsley Coman oo lugta Wareegatay kadib dhaawac aad u xun oo soo gaaray.

Leave a comment