Ka dib labo sano oo ay isku heer ahaayeen Messi Iyo Ronaldo oo midkiiba, heeystay shan Ballon D’or Lionel Messi ayaa haatan ka sarre maray Cristiano Ronaldo.

Xiddiga reer Argentine ayaa uruursaday abaalmarintiisii lixaad Isniintii aanu soo dhaafnay madaama uu ka dulqaaday abaal marrinta Ballon D’or Virgil van Dijk.
Ronaldo ayaa go’aansaday inuu ka qeyb galo xafladda abaalmarinta Serie A – halkii uu ka qeyb Noqon lahaa xaflada Ballon d’Or – halkaasoo uu ka soo qaatay Laacibka ugu Wanaagsan Serie A, iyo sidoo kale weeraryahankii ugu fiicnaa xilli ciyaareedkii 2018/19.
Sikastaba ha’ahaatee Walaasha Ronaldo ayaa si kulul u dhaleeceeysay Van Dijk kadib markii uu Hadal caadifad leh ku yiri Cristiano Ronaldo.

Maadama uu Van Dijk ku kaftamay, in Boortaqiisku Uusan aheyn tartame ku jira abaal marrinta Ballon D’or.
Laakiin wali waxaa jira dad badan oo rumeysan in Ronaldo uu wali yahay kan ugu weyn.
Taasi, dabcan, waxaa ku jira saaxiibtiisa Georgina Rodriguez.
25-jiridaan ayaa ku taageertay Cristiano, Boga Insgramka kadib markii ay soo dhigtay Qoraal..
Waxa jira sheekooyin iyo cinwaanno ah inaad tahay xiddig leh natiijooyinka ugu wanaagsan adigoo ku Guuleystay UEFA Nations League, Coppa Italia, horyaal Serie A iyo abaalmarintii ugu wanaagsaneed ee Serie A.
“Waxa ugu badan ee kugu saabsan adiga ayaa ah jacaylkaaga, rabitaankaaga inaad ka adkaato iyo wada shaqeynta kooxdaada.
Waxaad tahay qof ku dhiirrigeliya kubada cagta iyo isboortiga malaayiin dad ah.

Waxaad marwalba naftaada u muujisaa adduunka sida loo noqdo lambar koow Waan ku jeclahay ayay ku soo gabagabeeysay hadalkeeda Georgina Rodriguez oo ah xaaska Ronaldo.
Dabcan, Ronaldo wuxuu u soo ciyaaray afar naadi oo kala duwan afar dal oo kala duwan wuuna ku fiicnaa dhamaantood.
Ronaldo waxaa laga yaabaa inuusan heysan taageerada guud ee saxafiyaadha kubada cagta ee dunida oo dhab laakiin dabcan wuxuu heystaa taageerada buuxda ee xaaskiisa.
Xiddiga Juve ayaa haatan isu soo taagi doona isaga oo hubin doona inuu guuleysto 2020-ka Abaal marrinta Ballon D’or.
Laakiin waa sannad uu Ronaldo yahay 35 jir, taasoo la micno ah inuu noqon doono qofkii ugu Da’da weynaa ee ku guuleysta abaalmarintaan Ballon D’or taariikhda.