Messi waa ciyaaryahan weyn, laakiin kaliya wuxuu taasi ku muujiyay horyaalka LaLiga, ”ayuu yiri taageere Liverpool oo u hadlayay Wargeyska Talk Sport.

Waxaan jeclaan lahaa inaan arko sida uu ku yahay Horyaalka Premier League, sababtoo ah markii uu wajahay Liverpool xilli ciyaareedkii hore qaab ciyaareedkiisii waa xumaa.
Kadib wuxuu sheeganayaa in uu yahay mid ka Muddan Abaal marrinta Ballon D’or Van Dijk.

Van Dijk ku guuleysigii Uefa Champions League iyo saameyntii uu ku lahaa Liverpool, wuxuu u qalmay inuu ku guuleysto abaal marrinta Ballon d’Or,” ayuu sii raaciyayhadalkiisa.
Waxaan qabaa in Ronaldo ka wanaagsan yahay Messi sababtoo ah wuxuu ku soo bandhigay Xirfadiisa horyaal kala duwan.
Kaliya waxaan dhihi maraa Messi waa ciyaaryahankii ugu fiicnaa ee abid ka ciyaara LaLiga, waana sidaas.
Waxaa sidoo kale la weydiiyay hadii uu Mohamed Salah ku badal lahaa Messi.

Wuxuu ku jawaabay: “Miyaan ku baddali lahaa Mo Salah Messi? Maya haba yaraatee kuma badalan Laheyn..

Wow. Waa macquul inaad ku doodi karto in Van Dijk uu u qalmo abaalmarinta Ballon d’Or marka loo eego Messi.
Laakiin in la yiraahdo Messi kuma badalan laheyn Salah wax lagu qoslo. Dabcan, Saalax waa ciyaaryahan wanaagsan, wax badan ayuu u qabtay Liverpool